Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Barcelona oo hor kaceysa kooxaha dunida ugu qaalisan… (Yaa ku jira SHANTA sare?)

$
0
0

(Yurub) 13 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa hoggaamineysa kooxaha ugu qaalisan kubadda cagta dunida, iyadoo haatan qiimaheeda uu gaarayo 4.76 bilyan oo doollar.

Majaladda ka faalloota qiimeynta dhaqaale ee xiddigaha iyo kooxaha isboortiga noocyadiisa kala duwan ee Forbes ayaa soo bandhigtay kooxaha ugu qaalisan dunida marka la eego qiimaha ay suuqa ka joogaan wadar ahaan xiddigaha ay heystaan.

Waxaa diiwaankan booska labaad kaga jira Real Madrid oo lagu qiimeeyon 4.75 bilyan oo doollar, halka Bayern Munich oo booska saddexaad ku jiratana qiimaheedu uu noqday 4.21 bilyan oo doollar.

Manchester United ayaa booska afaraad kaga jirta liiskan iyadoo lagu qiimeeyay 4.2 bilyan oo doollar, waxayna ka sarreysaa naadiga ay aad u xafiiltamaan ee Liverpool oo qiimaheedu uu gaarayo 4.1 bilyan oo doollar.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago shanta sare, waxaa 10-ka sare ee liiskan markii ugu horreysay soo galay kooxda Paris Saint-Germain oo haatan qiimaheedu uu yahay 2.5 bilyan oo doolllar.

Tan iyo markii shirkadda Qatar Sports Investments ay la wareegtay kooxda PSG, naadiga reer France ayaa sameyneysay is baddelo wanaagsan oo dhanka ciyaaraha iyo dhaqaalaha ah.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles