(Madrid) 17 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay doonayso soo xero-gelinta Kylian Mbappe, laakiin su’aasha la isweydiinayo ayaa ah miyey soo qaadashada xiddiga PSG u isticmaali doontaa laacibkeeda da’da yar ee Vinicius Junior.?
Los Blancos ayaa la warinayaa inaysan qorsheynaynin inay Vinicius Junior u adeegsato sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd xagaagan Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.
Real Madrid ayaa waxaa sii socda weli wararka la xiriirinaya Mbappe, kaasoo la filayo inay iska iibiso PSG suuqa soo socda haddii uu diido inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda xafidanaysa horyaalka Faransiiska.
Warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegaysa in kooxda Tababare Zinedine Zidane ay diyaar u tahay inay ku darto Vinicius qeyb ka mid ah heshiis isdhaafsiga ay ku rabaan xiddiga xulka qaranka Faransiiska.
Si kastaba ha noqotee, sida ay warinayso Jariirada Marca ee ka soo baxda dalka Spain, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa haatan loo arkaa inuu lama taabtaan ka yahay garoonka Bernabeu sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisii fiicnaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkan 2020-21.
20-sano jirkaan ayaa dhaliyey lix gool waxaana uu dhiibay lix gool oo kale 39 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan, waxaana goolashaas ku jira saddex gool oo uu ka dhaliyey iyo labo caawin oo uu ka sameeyey 10 kulan oo uu ciyaaray tartanka Champions League.
Vinicius Junior ayaa heshiiskiisa haatan ee kooxda Real Madrid waxaa kaga harsan yahay afar sanadood.
Gool FM.