Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

UEFA & FIFA oo ka falceliyey horyaalka cusub ee European Super League, Xilli horyaalladii waa weynaa ee Yurub ay burbur ku dhow yihiin

$
0
0

(Yurub) 19 Abriil 2021. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA & Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa ka falceliyey horyaalka cusub ee European Super League, xilli horyaalladii waa weynaa ee Yurub ay burbur ku dhow yihiin.

Waxaa ugu dambeyn xalay daaha laga rogay qorshihii horyaalka cusub ee European Super League.

Xalay xilli dambe ayaa warbixin la soo saaray waxaa lagu xaqiijiyey in 12 kooxood oo ka mid ah ugu ugu waa weyn Yurub inay dhisayaan tartan cusub oo la dheelayo bartamaha todobaadka.

Manchester United, Man City, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Liverpool, Juventus, AC Milan, Inter Milan, Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhammaantood ku biiray tartankaan, iyadoo loo aqoonsaday inay yihiin aas-aasayaasha tartankan cusub.

Guud ahaan 12-ka kooxood ee aan magacooda kor ku soo sheegnay ayaa dhammaantood si rasmi ah uga baxay ururka kooxaha Yurub ee European Club Association.

Waxaa la filayaa inay saddex kooxood oo kale ku soo biiri doonaan horyaalkaan cusub inkastoo aan la magacaabin kooxaha ay yihiin kuwa ku soo biiri doona tartankan oo la shaaciyey in sida ugu dhaqsaha badan lagu qaban doono.

3 bilyan oo gini oo maalgelin ah ayay qeybsan doonaan kooxaha aas-aasaya tartankan si looga caawiyo dhaqaale xumadii soo wajahday Karona Fayras awgii.

Waxay sheegeen inay haatan doonayaan inay wadahadalo la yeeshaan xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA iyo xiriirka kubada cagta Adduunka FIFA si ay uga wada shaqeeyaan qorshe wadajir ah.

Ku dhawaaqista kaddib xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa yiri: “Kooxaha ka qeybgalaya tartankaan waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka dheelaan horyaallada dalalkooda, tartammada Yurub ama kuwa heerka caalami, iyadoo ciyaartoyda laga mamnuuci doono inay matalaan xulalkooda.”

Dhinaca kale xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa isaguna yiri: “Waxaan kaliya shaacin karnaa inaan ka soo horjeedno kooxaha ka go’aya horyaallada Yurub iyo kubada cagta caalamiga ah.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles