Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda PSG oo maanta meel cidlo ah ka qaadan karta Champions League & Waxa laga yeelayo Europa League

$
0
0

(Yurub) 19 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa maanta meel cidlo ah ka qaadan karta koobka Champions League, iyadoo ka faa’iideysanaysa in kooxihii kula soo haray afar dhammaadka tartankan ay isugu tageen European Super League, kaasoo hadda ah hadal haynta ugu badan kubadda cagta.

12-kooxood ayaa illaa iyo hadda la shaaciyey inay ku midoobeen inay aas-aas u noqdaan tartanka cusub ee European Super League.

Marka laga soo tago inay taha mid ka mid ah kooxaha ugu hodansan dunida kooxda PSG ayaan lagu darin liiska xiddigaha aas-aaska u ah horyaalka cusub ee European Super League si la mid ah kooxaha reer Jarmal ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund.

12-ka kooxood ee liiska aas-aasayaasha European Super League ku soo baxay waxaa ka mid ah Manchester City, Chelsea iyo Real Madrid, kuwaasoo dhammaantood soo gaaray afar dhammaadka Champions League.

Aas-aaska tartankan cusub ayaa halis geliyey xiriirka kubadda cagta cagta qaaradda Yurub ee UEFA, kaasoo ku hanjabay inay ganaaxi doonaan kooxaha iyo xiddigaha ka qeyb qaata tartankaasi.

Tallaabo ay qaaddo UEFA oo ay ku ciqaabaysaan kooxaha howshaas wada ayaa waxa ay la micno noqon kartaa in tartanka Champions League laga saaro kooxaha Man City, Chelsea iyo Real Madrid, taasoo ka dhigaysa in PSG ay meel bannaan ka qaadato Champions League oo loo caleemo saaro hanashada Koobka Horyaallada Yurub xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale UEFA Europa League oo ay afar dhammaadkiisa iskugu yimaadeen Kooxaha Man United, Arsenal, Villarreal iyo AS Roma ayaa Final-kiisa toos loo wada ciyaarsiin karaa Villarreal iyo Roma, iyadoo meesha laga saarayo Red Devils iyo Gunners oo qayb ka ah 12-ka kooxood ee saxiixay inay ku biiraan horyaalka European Super League.

Si kastaba ha noqotee, marka laga soo tago wararka xanta ah ee soo baxaya ma jiraan weli wax bayaan ah oo ka soo baxay UEFA oo ay wax uga baddalayso afar dhammaadka tartammada ay qabto ee Champions League iyo Europa League.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles