Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Miyuu Kabtanka PSG taam u yahay inuu ku soo bilowdo safka hore kulanka habeen dambe ee afar dhammaadka Champions League?

$
0
0

(Paris) 27 Abriil 2021. Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay dib u heli doonto Kabtankeeda Marquinhos oo uu ku soo bilowdo safka hore kulanka ay wajahayaan Manchester City.

Marquinhos ayaa dib ugu soo laabanaya safka hore kulanka lugta koowaad ee afar dhammaadka Champions League habeen dambe kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa.

Wargeyska L’Equipe ayaa warinaya in daafacan dhexe uu kabihiisa dib u gashan doono si uu u metelo Kooxda Macallin Mauricio Pochettino kaddib markii uu taam ahaanshihiisa dib u helay, waxaana uu ka soo muuqan doonaa kulanka afar dhammaadka Uefa Champions League ee ka dhacaya habeen dambe garoonka Parc des Princes.

Marquinhos ayaa dhaliyey gool muhiim u ahaa oo ay bannaanka ku soo heleen wareeggii ugu dambeeyay ee Bayern Munich ka hor inta aysan musiibadu dhicin, waxaana soo gaaray dhaawac taasoo ka dhigtay inuu seego lugtii labaad.

Daafacan ayaa tarabuunka saarnaa tan iyo guushii ay ka gaareen Munich 07 bishii April, laakiin haatan wuxuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto kooxda kulanka ugu weyn kooxda PSG ee xilli ciyaareedkan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles