(Paris) 10 May 2021. Sida wararku ay sheegayaan Kylian Mbappe ayaa hakad geliyey wadahadalladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray Kooxdiisa PSG.
Warsidaha Telefoot ayaa daabacay in Weeraryahan Kylian Mbappe uu hakad geliyey Wadahadalladii heshiis kordhinta Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.
22-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2022-ka, waxaana si xoog leh loola xiriirinayaa dhanka Kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain.
Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaa heshiis cusub u saxiixay PSG dhowaan, waxaana uu qandaraaskiisa cusub gaarsiiyey illaa sanadka 2025.
Yeelkeede, Mustaqbalka Mbappe ee kooxda ka dhisan Faransiiska ayaan ahayn mid fadhiya, waxaana haatan la sheegayaa inuu hakad geliyey wada-xaajoodkii heshiis kordhinta ee uu kula jiray PSG, iyadoo laga yaabo inuu xagaagan ka dhaqaaqo garoonka Parc des Princes.
Gool FM.