(Munich) 19 Maajo 2021. Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa xiiso ka helaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub xilli uu bartanka kaga jiro bandhiggii lagu yaqaannay ee cajiibka ahaa.
Lewy ayaa dhaliyay goolkiisii 40-aad ee Bundesliga xilli ciyaareedkan isagoo jebiyay rikoorka 40-ka gool ee horyaalka Jarmalka hal xilli ciyaareed kaasoo uu sameeyay Gerd Muller fasalkii 1971-72, halka uu sidoo kale u baahan yahay hal gool si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Bundesliga.
Wargeyska Sky Sport qaybtiisa Jarmalka ayaa baahiyay inuu Kabtanka Poland uu haatan xiiso ka helayo qaar ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan qaaradda Yurub kuwaasoo doonaya inay adeeggiisa helaan inta ka dhimman xirfaddiisa.
Dhowr jeer ayay horraan Real Madrid isku dayday saxiixa 32-sano jirkan, hase ahaatee, kooxda reer Spain ayaa ku guuldarreysatay inay mar qura ka miro dhaliso damaceedii gacan ku dhigista saxiixa Lewandowski, sidaas darteed, haatan qayb kama ahan saddexda naadi ee uu wargeysku sheegay.
Naadiga Paris Saint-Germain oo ka cabsi qabta inay xagaagan lumiso xiddigeeda Kylian Mbappe ayaa baadi goob ugu jirta weeraryahan la isku halleyn karo gool dhalintiisa, waxaana haatan ay bartilmaameed ka dhigatay Lewy.
Kaliya ma ahan Lewy xiddigaha ay dooneyso PSG, waxaase sidoo kale ay diyaar u tahay inay yabooh balaaran hordhigto David Alaba.
Marka taas laga soo tago, Sky Sport Germany ayaa sidoo kale warkiisa ku daray inay Barcelona daneyneyso saxiixa cabqarigan iyagoo doonaya inay ku xaliyaan dhibaatada ka heysata weerarka dhexe.
Inkastoo Barca ay la tacaaleyso dhibaatooyin dhaqaale, misena waxay ka faa’ideysaneysaa damaca Lewandowski ee ah inuu ka ciyaaro Spain halkii uu aadi lahaa Faransiiska ama Ingriiska sida uu qabo khabiirka suuqa kala iibsiga uga faalooda Sky Sport ee Max Bielefeld.
Dhinaca kale, xogo hoose oo uu helay wargeyska sida uu sheegay ayaa muujinaya inay Chelsea maamulkeeda ka doodayaan saxiixa laacibkii hore ee Borussia Dortmund si uu ugu noqdo hub ay ku dagaalamaan marka weerarka la yimaado.
Si kastaba ha ahaatee, Blues ayaa quus ka taagan bandhigga liita ee Timo Werner kaasoo fasalkiisa ugu horreeya London ku qaatay maalmo aan tiriska ku qummaneyn.
Gool FM.