(Paris) 22 Maajo 2021. Waxaa cirka isku sii shareeray xanta ku aaddan inay Real Madrid lasoo saxiixaneyso laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe kaddib markii la sheegay inay labada dhinac wada gaareen heshiis horudhac ah.
Bruno Satin oo ka mid ah wakiillada laacibka Faransiiska ah ayaa sheegay inay Madrid la heshiisay Mbappe iyo qoyskiisa balse dhammeystirka arrintaas ay ka xayiran tahay dhanka Real Madrid.
“Waxaan dareensanahay inuu isaga diyaar u yahay” ayuu yiri Satin isagoo la hadlayay Canal+.
“Waxaan sidoo kale hayaa akhbaar ah inay isaga iyo qoyskiisa ay heshiis la gaareen Real Madrid.
“Marka hore waxaa heshiishka aqbalaya qaybta ciyaaryahanka, balse waxaa sidoo kale loo baahan yahay inay Paris Saint-Germain aqbasho” ayuu yiri wakiilkan.
Satin ayaa sidoo kale xaqiijiyay inaysan PSG iyo shirkadda reer Qatar ee mulkiyadda kooxdan iska leh wali ogolaan inay fasaxaan 22-jirka heysta Koobka Adduunka, sidaas darteedna, Mbappe uu diyaar u yahay inuu dhammeysto qandaraaskiisa kaddibna uu bilaash ugu dhaqaaqo Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ayaa quus ka taagan inay xalliso arrimaha heshiis kordhinta ee Mbappe iyadoo uu hal sano ka harsan yahay qandaraaska uu ku joogo Parc des Princess.
Gool FM.