(Barcelona) 30 Maajo 2021. Wararka la xiriira doonista kooxda Barcelona ee xiddiga Memphis Depay ayaa sheegaya inay labada dhinac heshiis horudhac ah gaaree, balse dhammeystirka heshiiska uu u xanniban yahay hubantida mustaqbalka macallinka Barca ee Ronald Koeman.
Iyadoo ay taasi ay jirto, waxaa laacibka Lyon uu heshiiskiisa ka dhammaanayo 30-ka June uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Koeman sii hoggaamiyo Blaugrana xitaa iyadoo aanan la eegin halka uu aadi doono.
“Waxaan jeclaan lahaa inuu Koeman sii joogo halkaas, micno ma lahan meesha aan aadayo” ayuu saxaafadda u sheegay Depay oo isu diyaarinaya inuu xulkiisa Netherlands kala qayb galo tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.
Dhinaca kale, laacibkan ayaa ka hadlay xiisaha kaga imaanaya Barcelona isagoo dhinaca kale beeniyay inay heshiis wada gaareen isaga iyo Barcelona.
“Xiiso halkaas ah wuu jiraa, Barcelona waa koox cajiib ah, balse waxaa jira kooxo kale oo fiican.
“Haatan waxaan diiradda saarayaa 100% xulka qaranka Dutch-ka, waxay ila tahay kooxdan (Holland) inay wax badan sameyn karto, waa inaan taas aaminnaa oo aan muujinnaa” ayuu yiri xiddigii hore ee Manchester United.
Si kastaba ha ahaatee, 27-sano jirkaan ayaa ka mid ah xiddigo dhowr ah oo ay Barcelona dooneyso inay xagaagan la wareegto, haddii ay isaga iyo Blaugrana isku af gartaan heshiiska shaqsiga ahna waxa uu Camp Nou ugu biiri doonaa beeca xorta ah maadaama uu bisha soo aaddan dhammaadkeeda uu dhici doono qandaraaska uu kula joogo kooxda reer France.
Gool FM.