(Yurub) 05 Juun 2021. Tartanka Euro 2020 ayaa la filayaa inuu goordhow bilowday, waxaana hadda la sii saadaalinayaa xiddigaha ku guuleysan doona xagaagan gooldhalinta tartankaasi.
Koobka qarammada Yurub ee 2020 ayaa lagu arki doonaa gooldhaliyeyaal cajiib ah, waxaana haatan la sii shaaciyey siddeed xiddig oo la filayo inay xagaagan ku guuleysan doonaan Kabta dahabka ah ee gooldhalinta tartankaasi.
Antoine Griezmann ayaa haatan heysta gooldhalinta tartankaan, isagoo dhaliyay lix gool toddobadii kulan ee uu ciyaaray, iyadoo xilkiisa France ay ku dhameystay kaalinta labaad ee tartankaasoo ay Portugal ku marti-gelisay ciiddeeda ee Euro 2016.
Si kastaba ha ahaatee, markale ayaa la saadaalinayaa inuu Griezmann ku guuleysan karo, laakiin Weeraryahankan Faransiiska ah ayaa tartan adag kala kulmi doona xagaagan Harry Kane, Serge Gnabry, Romelu Lukaku, Cristiano Ronaldo iyo si la mid ah xiddiga ay isku xulka yihiin ee Kylian Mbappe.
Haddaba halkaan hoose ka eeg siddeeda xiddig ee loo malaynayo in xagaagan uu midkood ku guuleysan doono Kabta dahabka ah ee gooldhalinta koobka qarammadda Yurub ee 2020:-
Kylian Mbappe – France
Harry Kane – England
Cristiano Ronaldo – Portugal
Romelu Lukaku – Belgium
Bruno Fernandes – Portugal
Antoine Griezmann – France
Robert Lewandowski – Poland
Serge Gnabry – Germany
Gool FM.