(Munich) 16 Juun 2021. Xulka qaranka dalka France ayaa xalay 1-0 ku garaacay dhiggiisa Germany iyadoo lagu ciyaarayo carrada Jarmalka kulan ka tirsan Guruubka F ee tartanka Euro 2020, balse intii ay socotay ciyaartaas, waxaa kaamirooyinka ciyaarta ay soo qabteen xiddigaha Paul Pogba iyo Antonio Rudiger oo si gaar ah isu heysta.
Ciyaarta oo qaybteeda hore xasillooneyd ayaa gabagabadii waxaa la arkay muuqaallo ay kusoo celcelinayeen kaamirooyinka garoonka kaasoo u muuqday in Rudiger uu isku dayay inuu dhabarka ka qaniino Pogba daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybta hore ee ciyaarta.
Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara xulka Faransiiska iyo naadiga Manchester United ayaa isku dayay inuu soo jeediyo dareenka garsooraha, balse Garsoore Carlos Del Cerro Grande ayaanan waxba kasoo qaadin dhacdadaas xitaa aaladda muuqaal-caawiyaha garsoorka ayaa halkaas kaga tagtay qaniinyada uu isku difaaca Jarmalka inuu dhabarka kaga dhajiyo Pogba.
Kaliya kaamirooyinka garoonka ayaa soo qabtay dhacdadaas, mana jirin wax dib loogu laabtay oo la xiriira sheegashada Pogba ee ah inuu difaaca Chelsea dhabarka ka qaniinay.
Gool FM.