Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Maxaa ka soo kordhay wararka Achraf Hakimi la xiriirinaya kooxaha Chelsea iyo Paris Saint-Germain?

$
0
0

(Milano) 16 Juun 2021. Xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi ayaa si xoogan lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda reer Talyaani ee Inter Milan xagaagan, iyadoo ay ku dagaalamayaan saxiixiisa kooxaha Chelsea iyo Paris Saint-Germain.

Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa dalabyo u diray kooxda Inter Milan si ay u helaan saxiixa xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi qiimo dhan 60 million euros taas oo ay diiday Nerazzurri.

Maamulka kooxda Iner Milan ayaan ogolaan doonin inay kaga iibiso kooxaha  Chelsea iyo Paris Saint-Germain xiddigeeda Achraf Hakimi qiimo ka yar 80 million euros.

Iyadoo laga jawaabayo go’aanka kooxda Inter Milan, Paris Saint-Germain ayaa dalabkeeda ka dhigtay 65 milyan oo euro, sida laga soo xigtay wargeyska “La Repubblica” ee dalka Talyaaniga, halka Chelsea ay wali taagan tahay qiimaheedii hore ee 60 million euros, laakiin waxay heshiiska qeyb kaga dhigtay daafaca midig ee reer Spain Marcos Alonso.

Inter Milan ayaa xiiseyneysay saxiixa Marcos Alonso sanadkii hore markaasoo kooxda uu tababare ka ahaa Antonio Conte, laakiin tababaraha cusub ee Simone Inzaghi ayaa laga yaabaa inuu ka doorbido magacyo kale 30 jirka reer Spain.

Marcos Alonso ayaa khibrad u leh ka ciyaarista horyaalka Talyaaniga, isagoo horay u soo xirtay funaanada Fiorentina sanadihii 2013 ilaa 2016.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles