(Budapest) 19 Juun 2021. Xulalka Hungary iyo France ayaa bar-bardhac 1-1 ah ku kala baxay ciyaar qeyb ka aheyd kulammada labaad ee GROUP F Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Hungary.
Daqiiqadii 45+2 xulka Hungary ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Attila Fiola, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Roland Sallai.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
66 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xulka qaranka France ayaa la yimid goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Antoine Griezmann.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhmmaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada xul qaran Hungary iyo France, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada labaad GROUP F Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.
SAWIRRO:
Gool FM.