(Milan) 24 Juun 2021. Achraf Hakimi ayaa la soo warinayaa inuu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo naadiga reer France ee Paris Saint-Germain, kaddib markii sida la sheegay uu heshiiska shaqsiga ah la meel dhigay kooxda ka dheesha horyaalka Ligue 1.
Xiddiga xulka qaranka Morocco ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Ololihii ay Inter Milan ku guuleysatay horyaalka Scudetto xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda, iyadoo ay jirto xaalad dhaqaale xumo oo kooxda haysata.
Sida PSG oo kale Chelsea ayaa loo maleynayaa inay horay u sii wadeyso qorshaheeda ay kula soo saxiixaneyso Hakimi, Blues ayaana la filayay inay ku dareyso oo heshiiska qeyb uga dhigayso Ruben Loftus-Cheek, laakiin weli lama arko wax ka hirgalay heshiiskaas.
Si kastaba ha noqotee, Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga sida weyn wax uga qora ee Fabrizio Romano ayaa warinaya in Hakimi uu heshiis shaqsi ah oo shan sanadood ah la galay PSG, haatana heshiiska uu laacibkani ugu wareegayo Faransiiska ay ku xiran tahay kaliya inay Les Parisiens kala xaajoodaan Inter qiimaha ay ku dooneyso xiddigan.
Romano ayaa intaas ku daray in PSG ay diyaar u tahay dalabkeeda ay kula wareegeyso 22-sano jirkaan, isla markaana ay ka bixiso adduun dhan 70 milyan oo euro oo u dhiganta 59.8 milyan oo gini si ay u hesho adeeggiisa, taasoo ka dhigeysa inay Chelsea meel kale ka raadsato xoojinta dadabkeeda midig.
Hakimi ayaa dhaliyey 7 gool, waxaana uu dhiibay ama caawiye ka ahaa 10 gool oo kale 37 kulan oo uu kooxda Inter Milan u saftay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna dhawaan shabaqa soo taabtay kulankii saaxiibtinimo oo xulkiisa Morocco 1-0 kaga adkaaday Burkina Faso 12-kii bishan June.
Gool FM.