(Paris) 05 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran inay soo gabagabeyso saxiixyada xiddigaha kala ah Sergio Ramos, Achraf Hakimi iyo Gianluigi Donnarumma maalmaha soo socda, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay kooxda Faransiiska ka dhisan ay soo af-jareyso saddexdan saxiix inta lagu gudo jiro bishan.
Wariyaha lagu kalsoonyahay ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in PSG ay bishan July gudaheeda dhammeystiri doonto saxiixyada Ramos iyo Donnarrumma oo xor ah oo lagu daray xiddiga Inter Milan daafaca midig kaga ciyaara ee Hakimi.
“Goorta saxda ah dhawaan ayaa la xaqiijin doonaa, Sergio Ramos, Achraf Hakimi iyo Gianluigi Donnarumma ayaa lagu dhawaaqi doonaa bishan inay yihiin ciyaaryahanno Paris Saint-Germain” ayuu soo qoray Romano isagoo soo raaciyay calanka Faransiiska iyo #PSG.
Sidoo kale waxa uu intaas ku daray, “Ramos xilliga uu caafimaadka marayo waa la jadwaleeyay waxaana uu saxiixi doonaa qandaraas dhici doona June 2023, Hakimi ayaa saxiixay heshiis ku eg illaa June 2026, Donnarumma ayaa isna saxiixay heshiis dhici doona June 2026”.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa haatan si rasmi ah u dhammeystirtay saxiixyada Georginio Wijnaldum oo si xor ah uga tagay Liverpool iyo Danilo Pereira oo heshiiskiisa amaahda ahaa ay u rogtay mid rasmi ah iyagoo kala wareegay naadiga FC Porto.
Gool FM.