(Paris) 07 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska daafaca reer Spain ee Sergio Ramos, kaasoo saxiixay qandaraas labada xilli ciyaareed ee soo socda.
PSG ayaa ku shaacisay warbixin ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah, in Sergio Ramos uu yahay laacib ka tirsan Paris isla markaana uu xiran doono lambarka 4-aad ee kooxdeeda.
Haddaba Sergio Ramos ayaa u sheegay website-keeda rasmiga ah ee kooxda Paris Saint-Germain:
“Aniga ahaan, waa ii sharaf inaan awoodo inaan xirto lambarka 4-aad ee kooxda Paris Saint-Germain”.
Sidoo kale, Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in Sergio Ramos uu kooxda Paris Saint-Germain ka qaadan doono mushaar sanadle ah oo lagu qiyaasayo 15 million euros.
Sergio Ramos waa saxiixii saddexaad ee xagaagan ay sameysay kooxda Paris Saint-Germain, kaddib Dutchman Georginio Wijnaldum iyo Achraf Hakimi.
Ramos ayaa ka tagay Real Madrid, kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa isla markaana lagu guuldarreystay wada hadalada labada dhinac si uu u saxiixo heshiis cusub.
Gool FM.