(France) 17 Dis 2016. Jariiradda L’Equipe ee ka soo baxda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha ugu mushaarka badan horyaalka dalkaasi ee Ligue 1 iyadoo ay tobanka sare ka soo muuqdeen 4-laacib oo horey uga ciyaari jiray horyaalka Premier League.
Afarta xiddig ayaa kala ah, Di Maria, Mario Balotelli, Radamel Falcao iyo Bafétimbi Gomis oo ka tirsanaa Swansea City.
Haddaba laacibka reer Brazil ee naadiga PSG Thiago Silva ayaa qaata mushaarka ugu badan isagoo bishiiba jeebka ku shubta adduun ku dhow 1-milyan oo bound, waxaa kaalinta labaad ku jira flop-kii Man United ee Angel Di Maria kaa oo qaata £750,000 oo bound, waxaa saddexaad ku jira dhaliyaha reer Uruguay Edinson Cavani.
Todobo ka mid ah 10-ka ugu mushaarka badan horyaalka Faransiiska waxay u wada ciyaaraan naadiga PSG.
Eeg LIISKA:
Gool FM.