Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Aqriso lacagaha ay heleen xulalka ka qayb galay EURO 2020… (lacagta kasoo qayb galka lagu helay, tan guusha guruubyada lagu qaatay iyo lacagaha wareegyada kale + xulka lacagaha ugu badan helay)

$
0
0

(Yurub) 12 Luulyo 2021. Marka laga soo tago biladaha fiinaalka iyo xulka tartanka ku guuleystay oo la siiyo koob, waxaa sidoo kale tartanka barbar socda faa’ido dhaqaale oo xulalka tartanka ka qayb galaya helaan.

Dhammaan 24-ka xul ee kasoo qayb galay wareegga guruubyada ee tartanka ayaa xiriirka UEFA ka helay min 9.25 milyan oo euro, waana mid ay ka simman yihiin xulalka usoo baxay inay tartankan kasoo qayb galaan.

Sidoo kale, xulalka ciyaarayay wareegga guruubyada ayaa natiijada guusha ku qaatay 1.5 milyan oo euro, halka barbarrahana ay ku qaateen 750 kun oo euro, waana mid ay ka simman yihiin dhammaan 24-ka xul kuwaada guusha ama barbarraha helay, taasoo la micno in guuldarrada aanan lagu qaadanin wax lacag ah.

Marka laga soo gudbo wareegga guruubyada, waxaa 16-ka dal ee tartanka bug-baxdiisa isugu soo heray la siiyay min Labo milyan oo euro oo ay ka heleen xiriirka UEFA.

Waxaase ka nasiib wacan xulalka u gudbay wareegga siddeed-dhammaadka kuwaasoo UEFA ka helay lacag dhan min 3.25 milyan oo euro, kuwa wareegga afar-dhammaadka usii gudbay ayaa iyaguna helay min Shan milyan oo euro.

Xulka koobka laga qaaday ee soo gaaray fiinaalka tartanka ayaa sidoo kale qaatay lacag dhan Toddobo milyan oo euro, halka xulka tartanka ku guuleystayna 10 milyan oo euro loo raaciyay koobka.

Sidaas darteed, xulalka marwalba oo ay u gudbaan wareegga xiga waxaa usii kordhayay qoondada lacagta ay UEFA siineyso xulalka, waxaana xulka Taliyaaniga oo haatan tartanka ku guuleystay uu helay wadar ahaan 34 milyan oo euro oo ka kala yimid gunnooyinkii guulaha kulammada guruubyada, usoo bixitaanka wareegga 16-ka, midka siddeed-dhammaadka iyo afar-dhammaadka, oo lagu daray lacagta ku guuleysiga tartanka.

Haddaba halkan hoose ka eeg xul walba oo tartanka ka qayb galay iyo lacagta uu ka helay UEFA

ITALY – 34 milyan oo euro

ENGLAND – 30.25 milyan oo euro

SPAIN – 22.5 milyan oo euro

DENMARK – 21 milyan oo euro

BELGIUM – 19 milyan oo euro

CZECH REPUBLIC – 16.75 milyan oo euro

SWITZERLAND – 16.75 milyan oo euro

UKRAINE – 16 milyan oo euro

NETHERLANDS – 15.75 milyan oo euro

SWEDEN – 15 milyan oo euro

AUSTRIA – 14.25 milyan oo euro

FRANCE – 14.25 milyan oo euro

PORTUGAL – 13.5 milyan oo euro

CROATIA – 13.5 milyan oo euro

GERMANY – 13.5 milyan oo euro

WALES – 13.5 milyan oo euro

FINLAND – 10.75 milyan oo euro

SLOVAKIA – 10.75 milyan oo euro

RUSSIA – 10.75 milyan oo euro

HUNGARY – 10.75 milyan oo euro

POLAND – 10 milyan oo euro

SCOTLAND – 10 milyan oo euro

TURKEY – 9.25 milyan oo euro

NORTH MACEDONIA – 9.25 milyan oo euro

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles