(Paris) 14 Luulyo 2021. Iyadoo Lionel Messi uu yahay mid xor oo koox walba ay bilaash kula saxiixan karto, haddana naadiga Paris Saint-Germain ayaa si cad uga baxday damaceeda gacan ku dhigista saxiixiisa xagaagan.
Kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa goor hore si qeexan u muujisay xiisaha ay u qabeen helitaanka adeegga Messi marka uu idlaado heshiiskii dhammaaday 30-kii June ee uu kula jiray Barcelona, hase ahaatee, sheekadaasi way u suuro geli weysey PSG sida uu qoray wargeyska Le Parisien, kaasoo akhbaartiisa ku daray inay naadiga Ligue 1 ka ciyaarta ay ku qancin weysey kabtanka Argentina inuu kusoo biiro Parc des Princess.
Si kastaba ha ahaatee, 34-jirka weerarka ka ciyaara ayaa koox la’aan ah labo toddobaad, se taageerayaasha Barca ayaa xasillooni dareemaya maadaama Madaxweynaha kooxda Joan Laporta uu sheegay inay wax walba hagaagsan yihiin oo uu hannaan wacan ku socdo wada xaajoodka ay kula jiraan Leo.
Dhinaca kale, wararka qaar ayaa sheegaya inay labada dhinac isku af garteen heshiiska uu dib ugula midoobi karo saaxiibadiisa Blaugrana balse ku dhowaaqista iyo saxiixista heshiiska ay hor taagan yihiin arrimo maaliyadeed oo ay ugu weyn tahay miisaaniyadda mushaharka xiddigaha oo aanan ku filneyn kooxda inay saxiix kale sameyso.
Gool FM.