(Manchester) 23 Luulyo 2021. Maalmaha Paul Pogba ee Manchester United ayaa u muuqda inay noqdeen kuwo fara ku tiris ah, kaddib markii uu diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda, xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in Paris Saint-Germain ay xiiseyneyso adeegiisa.
Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay xoojiso safkeeda, si ay ugu dagaalanto ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedka cusub, iyo tartamada kala duwan ee gudaha France, oo uu qeyb ka yahay horyaalka Ligue 1.
Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska “Mirror” ee dalka England, Pogba ayaa diiday qandaraas ku kacaya 50 million pounds, si uu u kordhiyo qandaraaska uu kula jiro Manchester United, taasoo ka dhigeysa inuu ku sii dhawaanayo ka tagista kooxda reer England.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Paris Saint-Germain ay diyaar la tahay inay bixiso 45 million pounds si ay u soo iibsato Pogba, kaasoo qandaraaskiisa kooxda Manchester United uu ka harsan yahay kaliya hal sano.
Pogba ayaa Man United ku soo biiray sanadkii 2016 isaga oo kaga soo biiray kooxda reer Talyaani ee Juventus, tan iyo markaasna waxa uu kooxda ka qayb qaatay 206 kulan isaga oo u dhaliyay 38 gool, wuxuuna sidoo kale saaxiibadiis ka caawiyay 42 gool kale.
Si kastaba ha noqotee, Paul Pogba ayaa kooxda Manchester United kula guuleystay laba jeer Carabao Cup, iyo sidoo kale hal jeer oo ah tartanka UEFA Europa League.
Gool FM.