(Tel Aviv) 02 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Lille ayaa garaacday naadiga PSG, waxaana ay ku guuleysatay Koobka Trophee des Champions.
Lille ayaa kooxda ka dhisan caasimadda u diidday Koob kale, kaddib markii ay ku garaaceen Koobka Trophee des Champions ama France Super Cup.
Xeka ayaa dhaliyey goolka qura ee lagu garaacay PSG oo looga adkaaday 1-0, taasoo la micno ah in kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee Paris ay niyad jab ku billaabatay fasal ciyaareedka 2021/22.
Waxa uu shabaqa soo taabtay Xeka qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin PSG ayaa awoodi weysay inay dib u soo laabash osameyso qeybtii labaad ee ciyaarta.
Parisians-ka ayaa inta badan maamulayay ciyaarta oo dhan kuna wanaagsanaa kubbad heysashada kulankan oo lagu qabtay Israel, laakiin ma aysan ka faa’iideysan fursaddaan oo lama imaan xitaa goolka barbaraha.
Tani waxay dhabar jab ku tahay Macallin Mauricio Pochettino, inkastoo ay run tahay in PSG ay ka maqnaayeen Kylian Mbappe, Sergio Ramos, Neymar, Angel di Maria, Gianluigi Donnarumma, Marco Verratti, Marquinhos, Pablo Sarabia iyo Leandro Paredes, laakiin Lille waxaa sidoo kale ka maqnaa ciyaartoy muhiim u ahaa sida Renato Sanches iyo Zeki Celik.
Kooxda Lille ayaana markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysatay Koobka The Trophee des Champions.
Horyaalka Ligue 1 ee fasal ciyaareedka cusub ayaa furmi doona isbuuca soo socda, iyadoo PSG ay booqan doonto Troyes Sabtida, halka Lille ay bilaabi doonto difaacashadeeda horyaalka Faransiiska, marka ay Axadda wajihi doonaan Metz.
Gool FM.