Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jese Rodriguez oo ogolaaday inuu dib ugu laabto Spain

$
0
0

(Paris) 22 Dis 2016 Laacibkii hore ee Real Madrid Jese Rodriguez ayaa ogolaaday inuu dib ugu soo laabto horyaalka Spain sida ay baahisay AS.

Barnaamijka El Larguero ee ka baxa idaacada Cadena Ser ayaa lagu sheegay in Jese uu ku sii jeedo kooxda Las Palmas ee horyaalka Spain.

23 jirkaan ayaa helaya dalabyo kala duwan oo qaar kood ay uga imaanayaan dhanka horyaalka talyaaniga gaar ahaan AC.Milan, laakiin kooxda ka dhisan halka uu ka soo jeedo ayaa la sheegay inay la gaartay is afgarad dhanka afka ah.

Jese Rodriguez ayaa u muuqda mid ka niyad jabay inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa PSG, isla kooxda ayaana doonaysa in laacibku uu ka tago suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Balse waxaa la isku hayaa in laacibku uu amaah ugu biirayo Las Palmas iyo inuu ugu biirayo heshiis rasmi ah.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles