(Yurub) 19 Agoosto 2021. Waxaa caawa la daah rogi doonaa kulammada bug-baxa ee loogu soo gudbayo wareegga Guruubyada tartanka UEFA Conference League xilli ciyaareedkan 2021-22 kuwaasoo ah is aragyo labo lug ah.
Siddeed guruub oo min afar naadi ah ayuu tartanka ku bilaaban doonaa marka kooxaha ay kasoo gudbaan ciyaarahaan is aragga labada lug ah ee loogu soo gudbiyo tartanka wareeggiisa guruubyada.
Maxay tahay sababta aysan tartanka uga qayb ahayn koox ka dhisan Spain?
Sida xeerka ah, kooxaha Spain ayaa hal naadi ku leh tartankan, hase ahaatee, xilli ciyaareedkan waxaa uga qayb gali lahaa naadiga Villarreal oo ku dhammeysatay booska toddobaad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, balse maadaama ay ku guuleysatay tartanka Europa League fasalkii hore, waxay shaqeysatay ka qayb galka Champions League kal ciyaareedkan.
Taas waxay ka dhigan tahay in labadii naadi ee La Liga kaga dhammeystay boosaska shanaad iyo lixaad ay sidoodii uga qayb galayaan Europa League sidaas darteedna aysan jirin naadi dalka Spain u ciyaari doona tartankan.
Yaa ciyaaraya?
Tartankan waxaa ciyaaraya kooxaha ku dhammeystay meel ka hooseysa boosaska loogu soo baxo Champions League iyo Europa League.
Tartankan waxaa loo aas-aasay in loogu faa’ideeyo kooxaha yaryar iyadoo 34 Waddan ay kooxahooda ka qayb galaan saddexda tartanka ee UEFA ee kala ah Champions League, Europa League and Conference League.
Ku guuleystaha muxuu heli doonaa?
Naadiga ku guuleysta tartankan oo xilli ciyaareedkan fiinaalkiisu lagu ciyaari doono magaalada Tirana ee dalka Albania 25-ka bisha May ee 2022 ayaa heli doona inuu si toos ah uga qayb galo tartanka Europa League xilli ciyaareedka xiga.
Sidee loogu soo baxaa wareegga guruubyada?
Inta lagu gudo jiro muddada xagaaga, saddex wareeg oo is-reeb-reeb ah ayaa la ciyaarayaa iyadoo midka uga dambeeya uu yahay labo lug si loogu soo baxo wareegga guruubyada.
Marka ay kooxaha kasoo gudbaan is-aragyadan, waxaa isku aadka tartankan la sameyn doonaa Jimcaha xiga midka soo aaddan taariikhduna ku beegan tahay 27-ka August, waana maalin kaddib marka la sameeyo tartanka Champions League.
Waa kuwee naadiyada waaweyn ee xilli ciyaareedkan ka qayb galaya tartanka?
Kooxaha ugu badan ee ka qayb galaya tartankan ma ahan kuwa magac sare leh, balse kooxo waaweyn ayaa misena ka qayb galaya tartankan.
Feynood oo is-reeb-reebka la ciyaareysa Elfsborg, Roma oo la balansan Trabzonspor iyo Tottenham oo la dheeleysa Pacos Ferreira ayaa ka mid ah naadiyada waaweyn ee ciyaaraya Conference League.
Sidoo kale waxaa tartankan kusoo biiraya kooxaha lagu soo reebo is-reeb-reebka Europa League.
Gool FM.