(Paris) 24 Agoosto 2021. Koox ka dheesha horyaalka Premier League oo aan la magacaabin ayaa lagu soo warramayaa inay xiiso dhab ah u muujisay saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe xagaagan.
22-sano jirkaan ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1, iyadoo ay PSG u soo bandhigtay xiddiga reer France heshiis cusub oo shan sano ah oo ka dhigi doona ciyaaryahanka saddexaad ee ugu mushaarka badan kaddib Neymar iyo Lionel Messi.
Sida laga soo xigtay Warsidaha RMC Sport, kaliya hal koox oo fadhigeedu yahay England ayaa u dhaqaaqday saxiixa Mbappe, inkastoo kooxdaas aan weli la aqoon.
Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa hore loola xiriirinayay weeraryahanka, halka Manchester City ay suuqa ugu jirto weeraryahan cusub, iyadoo bartilmaameedkeeda koowaad uu yahay Harry Kane oo ka tirsan Tottenham Hotspur.
Real Madrid ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay aad ula dhacsan tahay xiddiga Kooxda PSG, inkastoo warbixintu ay sheegeyso inay haatan hoos u dhigeen xiisihii ay u qabeen inay la soo wareegaan xagaagan, iyadoo ay u badan tahay inay ku soo biirto doonistiisa sanadka 2022.
Warbixinta ayaa sidoo kale intaa ku dartay in ciyaaryahanka Kooxda Everton ee Richarlison loo aqoonsaday inuu noqdo bedelka Mbappe, haddii ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 2018 uu ka tago kooxda.
Mbappe ayaa xilli ciyaareedkii hore wacdaro hor leh ka dhigay kooxda ka dhisan Magaalada Paris, isagoo dhaliyay 42 gool 11 kalena caawiye ka noqday 47 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.
Gool FM.