(Madrid) 25 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u gudbisay dhiggeeda Paris Saint-Germain dalabkii ugu horreeyay ee ku aaddan saxiixa Kylian Mbappe kaasoo ay dooneyso inay xagaagan gacanta ku dhigto.
Majaladda MARCA ayaa sheegtay inay xaqiijin karto in madaxweynaha Los Blancos ee Florentino Perez uu naadiga PSG miiska u saaray lacag gaareysa 160 milyan oo euro oo uu ku doonayo lasoo saxiixashada 22-jirka weerarka ka ciyaara.
Rajada Madrid ee lasoo saxiixashada Mbappe ayaa xagaagan aad u sarreysa, waxayna ku han weyn tahay inay gacanta ku dhigi karto adeeggiisa kahor inta uusan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xirmin 31-ka Agoosto, waxaana rajada sare u qaadaya inuu laacibka Faransiiska ah iska diiday qandaraas kordhintii ugu dambeysay ee ay kooxdiisa usoo bandhigtay.
Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa si xad u muujiyay inuu doonayo ka tagista Parc des Princess, waxaana la filayaa inay PSG dalabkaan aqbali karto maadaama qandaraaska xiddigan uu dhici doono xagaaga dambe kaddibna uu bilaash kaga tagi karo.
Gool FM.