Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Waxyaabaha aad uga baahan tahay inaad ka ogaato isku aadka heerka Guruubyada Champions League 2021/22 oo caawa la sameynayo

$
0
0

(Istanbul) 26 Agoosto 2021. Waxaa caawa la sameyn doonaa sida uu qorshuhu yahay isku aadka heerka Guruubyada UEFA Champions League fasal ciyaareedka cusub ee 2021/22, haddana waxaan idinla wadaagi doontaa waxyaabaha aad uga baahan tihiin inaad ka ogaataan isku aadkan.

Kulamadii Playoff-ka ee loogu soo baxayay Champions League ayaa xalay oo Arbaco ahayd la soo gabagabeeyey, waxaana guulo gaaray Shakhtar Donetsk, RB Salzburg iyo Sheriff Tiraspol oo noqday kooxihii ugu dambeeyey ee u soo baxa heerka Guruubyada Champions League 2021/22.

Isku aadka heerka Guruubyada Champions League 2021/22 waxaa la sameyn doonaa caawa oo ay Khamiis baxayso oo uu Jimco soo galayo.

Heerka guruubyada Champions League isku aadkiisa waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xiisaha badan kubadda cagta Yurub, taageerayaasha daafaca caalamka ku kala nool ayaana doonaya inay la socdaan tartankan bilaha Jiilaalka.

Haddaba halkaan hoose ka daalaco faah-faahin ku saabsan waxyaabaha aad uga baahan tahay inaad ka ogaato isku aadka heerka guruubyada Champions League 2021/22, gaar ahaan wakhtiga uu isku aadku bilaabanayo iyo halka laga daawan doono.

Goorma ayuu bilaaban doonaa isku aadka Champions League?

Isku aadka heerka Guruubyada Champions League ayaa la sameyn doontaa waxaana uu caawa ka dhici doonaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, wuxuuna bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Sida had iyo jeer dhacdooyinka noocan oo kale ah aan ku arki jirnay oo kale isku aadka ayaan dhici doonaa marka ugu dambeysa ee faladda UEFA oo dhan ay soo dhammaato, micnuhu waa in isku aadku noqon doono waxa ugu dambeeya ee la qabanayo caawa inta ay Munaasabaddu socoto.

Isku aadka ayaa ka soo horreeya sidii caadiga ahayd, maadaama inta badan la qaban jiray maalmaha Jimcaha  iyo Isniinta, kaddib markii la ogaaday kooxaha u soo gudbay wareegga xiga ee tartanka.

Halkee ka daawan kartaa isku aadka Champions League?

Wariyaasha maxaliga ah ee Champions League gobol walba waxay xaq u leeyihiin inay muujiyaan isku aadka oo laga waado TV-ga.

Marka aad joogto Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya waxaad isku aadka ka daawan kartaa Super Sport.

Si kastaba ha ahaatee, isku aadka ayaa sidoo kale laga daawan karaa khadka tooska ah ee dhinaca internet-ka waxaana laga baahin doonaa bogga Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA.com.

32-ka kooxood ee loo sameyn doono caawa isku aadka iyo qaabka loo maareynayo

Waxaa diyaar ah 32 kooxood oo loo qabanayo isku aadka Champions League sanadkaan, waxaana loo qeybin doonaa siddeed Guruub oo min Afar Kooxood ah, iyadoo lagu saleynayo dheriyada ay ku jiraan, waxaana xusid mudan in labo naadi oo isku dal ka dhisan aysan ku kulmi karin wareegga Guruubyada.

Sida ay Kooxaha ugu kala jiraan Afarta dheri:-

Dheriga 1-aad: Chelsea, Villarreal, Atletico Madrid, Manchester City, Bayern Munich, Inter, Lille iyo Sporting CP.

Dheriga 2-aad: Real Madrid, Barcelona, Juventus, Manchester United, Paris Saint-Germain, Liverpool, Sevilla iyo Borussia Dortmund.

Dheriga 3-aad: Porto, Ajax, Shakhtar Donetsk, RB Leipzig, RB Salzburg, Benfica, Atalanta iyo Zenit Saint Petersburg.

Dheriga 4-aad: Besiktas, Dynamo Kyiv, Club Brugge, Young Boys, AC Milan, Malmo, Wolfsburg iyo Sheriff Tiraspol.

Goormee la ciyaari doonaa kulammada heerka Guruubyada Champions League?

Sida caadiga ah koox waliba waxa ay ciyaari doontaa lix kulan, waxaana kulammada la ciyaari doonaan Maalmaha Talaadada iyo Arbacada, taariikhahan hoos ku xusan ayaana la ciyaari doonaa kulammadaas:-

Kulammada 1-aad: September 14/15

Kulammada 2-aad: September 28/29

Kulammada 3-aad: October 19/20

Kulammada 4-aad: November 2/3

Kulammada 5-aad: November 23/24

Kulammada 6-aad: December 7/8

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles