Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Abaal-marinta xiddigaha ugu wanaagsan Champions League boosaska Goolhayaha, Daafaca, Khadka dhexe iyo Weerarka ee dhanka Ragga oo caawa la bixin doono… (Saddexda musharrax ee boos walba & 10-ka kaalmaha sare)

$
0
0

(Istanbul) 26 Agoosto 2021. Waxaa jira min saddex xiddig oo u sharraxan boos walba oo ka mid ah afarta waaxood ee garoonka tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waxaa caawa la bixin doontaa abaal-marinta Goolhaya ugu wanaagsan, daafaca ugu fiican, khadka dhexe ugu wanaagsan iyo weliba weerarka ugu wanaagsan.

Kooxdii Champions League ku guuleystay ee Chelsea iyo middii laga qaaday ee Manchester City ayaa xiddigaha ugu badan ku leh abaal-marinta Champions League positional award ee xilli ciyaareedkii 2020/21.

Shan ciyaarahan oo ka tirsan kooxda Chelsea ayaa ku jira musharraxiinta, halka Man City ay ku leedahay saddex laacib, taasoo ka dhigan in Kooxaha Premier League ay siddeed ciyaaryahan ku leeyihiin musharraxiinta, halka Real Madrid, Dortmund, Bayern iyo Paris Saint-Germain ay xiddigo ku leeyihiin.

Champions League positional award nominees announced | UEFA Champions League | UEFA.com

Musharraxiinta Positional award ee UEFA Champions League 2020/21:-

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois (Real Madrid), Ederson (Manchester City), Edouard Mendy (Chelsea).

Daafacyada: César Azpilicueta (Chelsea), Rúben Dias (Manchester City), Antonio Rüdiger (Chelsea).

Khadka dhexe: Kevin De Bruyne (Manchester City), Jorginho (Chelsea), N’Golo Kanté (Chelsea).

Weerarka: Erling Haaland (Dortmund), Robert Lewandowski (Bayern), Kylian Mbappé (Paris).

Goolhayeyaasha kale ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Keylor Navas (Paris) – 50 Dhibcood

5- Manuel Neuer (Bayern) – 36 Dhibcood

6- Jan Oblak (Atlético) – 35 Dhibcood

7- Gianluigi Donnarumma (Milan, haatanna ku sugan Paris) – 20 Dhibcood

8- Marc-André ter Stegen (Barcelona) – 13 Dhibcood

9- Agustín Marchesín (Porto) – 4 Dhibcood

= Alisson Becker (Liverpool) – 4 Dhibcood

Daafacyada kale ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Marquinhos (Paris) – 78 Dhibcood

5- Thiago Silva (Chelsea) – 59 Dhibcood

6- Kyle Walker (Man. City) – 35 Dhibcood

7- Giorgio Chiellini (Juventus) – 18 Dhibcood

8- John Stones (Man. City) – 15 Dhibcood

9- David Alaba (Bayern, haatan ku sugan Real Madrid) – 14 Dhibcood

= Leonardo Bonucci (Juventus) – 14 Dhibcood

Xiddiga kale ee khadka dhexe ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Ilkay Gündogan (Man. City) – 15 Dhibcood

= Mason Mount (Chelsea) – 15 Dhibcood

6- Frenkie de Jong (Barcelona) – 9 Dhibcood

= Luka Modrić (Real Madrid) – 9 Dhibcood

8- Pedri (Barcelona) – 6 Dhibcood

9- Georginio Wijnaldum (Liverpool, haatanna ku sugan Paris) – 5 Dhibcood

= Kai Havertz (Chelsea) – 5 Dhibcood

Weeraryahannada kale ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Lionel Messi (Barcelona, haatanna ku sugan Paris) – 76 Dhibcood

5- Karim Benzema (Real Madrid) – 70 Dhibcood

6- Neymar (Paris) – 23 Dhibcood

7- Kai Havertz (Chelsea) – 16 Dhibcood

= Raheem Sterling (Man. City) – 16 Dhibcood

9- Mason Mount (Chelsea) – 6 Dhibcood

= Romelu Lukaku (Inter, haatanna ka tirsan Chelsea) – 6 Dhibcood

Sidee lagu soo doortay musharraxiinta ugu dambeysa?

Waxaa musharraxiinta ugu dambeysa ee abaal-marinta boosaska Champions League xilli ciyaareedkii tagay ku tartammaya soo doortay macallimiinta 32-da naadi ee ka qayb galay wareeggii guruubyada ee tartanka UCL xilli ciyaareedkii 2020/21 iyo 55 saxafi oo uu soo doortay ururka ay ku mideysan yihiin saxaafadda isboortiga qaaradda Yurub ee European Sports Media (ESM) group, iyadoo 55-ka xiriir ee hoos taga UEFA uu ka imaan doono xiir walba min hal saxafi.

Qolooyinka wax codeynaya ayaa dooraneysa saddexda xiddig ee ugu sarreysa boos walba iyadoo xiddiga booska koowaad loo qorayo shan dhibcood, kan booska labaadna saddex dhibcood, kan saddexaadna hal dhibic, saddexda xiddig ee hela codadka ugu badan boos walba ayaa galaya musharraxiinta abaal-marinta Champions League Positional Award.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles