Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Abaal-marinta xiddigaha ugu wanaagsan Champions League boosaska Goolhayaha, Daafaca, Khadka dhexe iyo Weerarka ee dhanka Dumarka oo caawa la bixin doono… (Saddexda musharrax ee boos walba & 10-ka kaalmaha sare)

$
0
0

(Istanbul) 26 Agoosto 2021. Waxaa jira min saddex gabdhood oo u sharraxan boos walba oo ka mid ah afarta waaxood ee garoonka tartanka UEFA Champions League dhanka dumarka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waxaa caawa la bixin doontaa abaal-marinta Goolhaya ugu wanaagsan, daafaca ugu fiican, khadka dhexe ugu wanaagsan iyo weliba weerarka ugu wanaagsan ee hablaha.

Naadiga hablaha Barcelona oo tartanka dhankiisa hablaha ku guuleysteen markii ugu horreysay bishii May ayaa toddobo ciyaaryahan ku leh 12-ka xiddig ee u tartammaya abaal-marinta Champions League Positional award 2020/21.

Dhinaca kale dhammaan afarta xiddig ee abaal-marinta boosaska ugu wanaagsan Champions League sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay ayaa waayay min saddexda ugu sarreysa boos walba inkastoo ay dhammaantood 10-ka sare boos walba kasoo galaan.

Musharraxiinta Positional award ee UEFA Champions League 2020/21:-

Goolhayeyaasha: Ann-Katrin Berger (Chelsea), Christiane Endler (Paris Saint-Germain), Sandra Paños (Barcelona).

Daafacyada: Magdalena Eriksson (Chelsea), Mapi Léon (Barcelona), Irene Paredes (Paris Saint-Germain).

Khadka dhexe: Aitana Bonmatí (Barcelona), Ji So-yun (Chelsea), Alexia Putellas (Barcelona).

Weerarka: Caroline Graham Hansen (Barcelona), Jenni Hermoso (Barcelona), Lieke Martens (Barcelona).

Goolhayeyaasha kale ee soo galay toddobada sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Ellie Roebuck (Manchester City) – 8 Dhibcood

5- Sarah Bouhaddi (Lyon) – 4 Dhibcood

6- Katarzyna Kiedrzynek (Wolfsburg) – 3 Dhibcood

7- Pauline Peyraud-Magnin (Atlético) – 1 dhibic

Daafacyada kale ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Ashley Lawrence (Paris Saint-Germain) – 29 Dhibcood

5- Marina Hegering (Bayern München) – 24 Dhibcood

6- Wendie Renard (Lyon) – 16 Dhibcood

7- Marta Torrejón (Barcelona) – 9 Dhibcood

8- Millie Bright (Chelsea) – 6 Dhibcood

9= Laia Aleixandri (Barcelona) – 3 Dhibcood

= Lucy Bronze (Manchester City) – 3 Dhibcood

Xiddiga kale ee khadka dhexe ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Sam Mewis (Manchester City) – 14 Dhibcood

5- Sara Däbritz (Paris Saint-Germain) – 12 Dhibcood

6= Patri Guijarro (Barcelona) – 11 Dhibcood

= Sophie Ingle (Chelsea) – 11 Dhibcood

8- Kheira Hamraoui (Barcelona) – 9 Dhibcood

9- Grace Geyoro (Paris Saint-Germain) – 7 Dhibcood

10- Dzsenifer Marozsán (Lyon) – 6 Dhibcood

Weeraryahannada kale ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-

4- Fran Kirby (Chelsea) – 34 Dhibcood

5- Pernille Harder (Chelsea) – 25 Dhibcood

6- Sam Kerr (Chelsea) – 21 Dhibcood

7- Lauren Hemp (Manchester City) – 10 Dhibcood

8- Marie-Antoinette Katoto (Paris Saint-Germain) – 6 Dhibcood

9= Kadidiatou Diani (Paris Saint-Germain) – 3 Dhibcood

= Asisat Oshoala (Barcelona) – 3 Dhibcood

Sidee lagu soo doortay musharraxiinta ugu dambeysa?

Waxaa musharraxiinta ugu dambeysa ee abaal-marinta boosaska Champions League dhanka hablaha xilli ciyaareedkii tagay ku tartammaya soo doortay macallimiinta kooxaha ka qayb galay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Women’s Champions League xilli ciyaareedkii 2020/21 iyo 20 suxufi oo u gaar ah kubadda cagta dumarka isla markaasna uu soo doortay ururka ay ku mideysan yihiin saxaafadda isboortiga qaaradda Yurub ee European Sports Media (ESM) group.

Qolooyinka wax codeynaya ayaa dooraneysa saddexda xiddig ee ugu sarreysa boos walba iyadoo xiddiga booska koowaad loo qorayo shan dhibcood, kan booska labaadna saddex dhibcood, kan saddexaadna hal dhibic, waxaana saddexda xiddig ee hela codadka ugu badan boos walba ay galayaan musharraxiinta abaal-marinta Women’s Champions League Positional Award.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles