(Madrid) 27 Agoosto 2021. Waxay u muuqataa in xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé uu si aad ah ugu dhow yahay inuu si rasmi ah ugu dhaqaaqo Real Madrid.
Mbappé ayaa muujiyay in ka badan hal mar rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda Paris Saint-Germain si uu ugu dhaqaaqo Real Madrid, kaddib markii uu diiday dhammaan dalabyadii loo soo jeediyay ee ahaa inuu qandaraaska u kordhiyo PSG.
Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska “AS” ee dalka Spain, Ilo wareedyo ku sugan PSG ayaa waxay xaqiijiyeen in xiriirka ka dhexeeya Mbappé iyo kooxda uu ku jiro saacadihii ugu dambeeyay, iyo in Kylian uusan sii wadan doonin xirfadiisa naadiga Paris.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in Mbappe uu macsalaameeyay saaxiibbadiis qolka labiska ee kooxda Paris Saint-Germain, wuxuuna u sheegay inuu u saxiixi doono Real Madrid, iyada oo heshiiska la dhammeystiri doono 24 ama 48 saacadood ee soo socda.
Dhankiisa, wargeyska “Marca” ee isla dalka Spain ayaa sheegay ayaa sheegay in ku dhawaaqista rasmiga ah ee heshiiska ay dhici karto maanta oo Jimco ah, Mbappe wuxuu imaan doonaa caasimadda Spain kahor inta uusan ku biirin xerada tababarka xulka qaranka Faransiiska ee kahor kulammada caalamiga ah.
Yeelkeeda, Real Madrid ayaa sugaysa bal inay Paris Saint-Germain aqbali doonto dalabkeeda cusub ee ah 170m (£ 146m), si ay kaga qaadato Kylian Mbappé iyadoo kooxda reer Spain ay sare u qaadayso baadi-goobka weeraryahanka reer France.
Si kasbata ha ahaatee, Kylian Mbappé wuxuu soo jiitay dareenka dhammaan taageerayaasha kubbadda cagta adduunka oo dhan, kaddib bandhigiisii cajiibka ahaa iyo guulihii uu la gaaray Paris Saint-Germain iyo xulkiisa qaranka France uu kula guuleystay Koobka Adduunka.
Gool FM.