(Madrid) 08 Sebt 2021. Karim Benzema ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey markii uu ku soo laabtay Magaalada Lyon isaga iyo xulka qaranka Faransiiska, goortii uu gaaray garoonka Groupama Stadium, halkaasoo ay xalay kula ciyaareen xulka Finland kulan qeyb ka ah Guruubka D ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.
Xulka France ayaa ku adkaaday 2-0 markii Benzema uu diiwaan galiyay caawinta goolkii furitaanka ee Antoine Griezmann, waxaana bandhigiisu uu aad u soo jiitay taageerayaashii daawanayay isaga oo ah xiddig da’yar oo ka ciyaarayey Ligue 1, maadaama uu ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay Kooxda Lyon ka hor inta uusan ku soo biiri Real Madrid 12 sano ka hor.
“Waxaan helay habeen aad u qurux badan, waxaan filayay in la i soo dhaweeyo, waayo aniga iyo Lyon waxaan leennahay sheeko jaceyl,” ayuu Benzema u sheegay TF1.
“Waa inaan u mahadceliyaa taageerayaasha sida ballaaran u yimid, waan faraxsanahay oo waan ku faanaa, waxay ahayd mid ka mid ah habeennadii iigu quruxda badnaa, waxaa intaas dheer guushu aad bay muhiim inoogu ahayd.” ayuu hadalkiisa ku daray Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Karim Benzema.
Gool FM.