Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

RASMI: Lionel Messi oo uu dhaawac soo gaaray… (Halkee ayuu ka xanuunsanayaa xiddiga PSG?)

$
0
0

(Paris) 21 Sebt 2021. War rasmi ah oo dhowaan soo baxay ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi kaasoo haatan ka xanuunsanaya dhanka jilibka.

Messi ayaa saakay maray iskaanka MRI kaasoo lagu ogaaday inuu dhaawac ka qabo lafta jilibka lugtiisa bidix iyadoo tijaabo kale uu mari doono 48-ka saac ee soo aaddan.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu kabtanka xulka qaranka Argentina uu dhaawacaas awgiis seegayo kulanka habeen dambe ee ay PSG la leedahay naadiga Metz ee ka tirsan horyaalka Ligue 1.

Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa laga saaray ciyaartii Lyon ee toddobaadkan qaybtii labaad ee ciyaarta iyadoo warar dhowr ah ay sheegayeen inuu xanuun ka dareemayay jilibkiisa bidix sidaas darteedna ciyaarta looga saaray.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles