(Marseille) 28 Jan 2017 – Sida uu dhigayo L’Equipe, Olympique Marseille ayaa kulan la qaadatay Gianluca Lapadula iyadoo u diyaar ah inay bixiso lacagta ay AC Milan laacibka ku qiimayso oo dhan €20m oo euro.
Waxaa la sheegayaa in maareeyaha ciyaareed ee Andoni Zubizarreta kulan la qaatay qannaaska AC Milan markii uu magaalada Milano u joogey wada xaajoodka Juventus oo uu ka qaatay Patrice Evra.
AC Milan ayaa la sheegayaa inay laacibka ku qiyaasto €20m iyadoo aan Marseille u diidaynin inay qaataan laacibkan kaydka ah, yeelkeede heshiis wuxuu kaliya dhici karaa xagaaga, maaddaama ay Rossoneri horay u dirtay M’Baye Niang oo Watford ku biiray.
Laacibka ayaa sanadkii tegey wacdaro ka dhigay Serie B-da Talyaaniga, isagoo Pescara usoo dallacsiiyay heerka 1-aad, isla markaana u dhaliyay 30 gool, 12 goolna dhigay 40 kulan oo uu u saftay.
Lapadula oo aan weli u safan xulka Talyaaniga, balse sidoo kale u dheeli kara Peru, maaddaama ay hooyadii Peruvian tahay, ayay taageerayaal badan oo Milanista ihi u arkaan nin ka firfircoon Bacca marka laga hadlayo saamaynta uu ku yeesho ciyaarta.
Gool FM