(Barcelona) 15 Ok 2021. Madaxweynihii hore Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa aaminsan in go’aankii uu kaga tagay Lionel Messi kooxda uu ahaa mid xun, wuxuuna muujiyay haddii uu ku jiri lahaa booska madaxweynenimo, inuusan oggolaan lahayn bixitaankiisa.
Josep Maria Bartomeu wuxuu sheegay, intii lagu guda jiray wareysigii uu siiyay wargeyska “Sport” ee dalka Spain waxa uu sheegay:
“Ronald Koeman wuxuu lumiyay Messi, madaxweyne ahaanna, uma oggolaan lahayn inuu baxo oo waxaan sameyn lahaa wax walba oo suuragal ah si uusan u bixin.”
“Waxaan u malaynayaa inay u fiicnayd Barcelona iyo Messi inay sii wada joogaan xagaagan, way iska fasaxeen taasna waxay iila muuqataa go’aan xun aniga ahaan.”
“Ciyaarista la’aanta Messi waxay la micno tahay inay jiraan waxyaabo badan oo isbedelaya.”
Si kastaba ha ahaatee, Halyeeyga Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxda ka tagay suuqii xagaagii kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa, wuxuuna ku biiray naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.
Gool FM.