Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Real Madrid, Liverpool, PSG oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray tartanka Champions League … SAWIRRO

$
0
0

(Yurub) 19 Okt 2021. Kulammo ka tirsan heerka guruubyada tartanka UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaaray, iyadoo kooxaha waa weyn qaarkood ay ciyaareen.

Kooxaha Manchester City, Atletico Madrid, Liverpool, Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Labada naadi ka dhisan magaalada Milan ayaa ugu madax fiiqan kooxaha caawa ka ciyaaray tartanka UEFA Champions League.

Liverpool ayaa guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonka Wanda Metropolitano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, taasoo ka dhigtay in Reds ay ku hoggaamiso group B 9 dhibcood, halka Atletico oo kaalinta labaad fadhisa ay heysato 4 dhibcood.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Atletico Madrid iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 2-2.

Daqiiqadii 8-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mohamed Salah kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis A. Robertson.

13 daqiiqo marka dheesha mareysay kooxda Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Naby Keïta.

Laakiin xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Koke ayaa daqiiqadii 20-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-2.

Markale daqiiqadii 34-aad Antoine Griezmann oo markan ay caawin kaga timid saaxiibkiis João Félix ayaa wuxuu garbo siman ka dhigay labada kooxood Atletico Madrid iyo Liverpool, ciyaartana waxay sidaas ku noqotay barbardhac 2-2 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Atletico Madrid ayaa noqotay 10 xiddig oo kaliya kaddib markii uu kaarka roosaha toos ah qaatay Antoine Griezmann oo taako badaxa kaga dhuftay xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino.

78 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Liverpool ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Mohamed Salah, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2-3 ay ku hoggaamineysay Reds.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonka Wanda Metropolitano, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada saddexaad wareega guruubyada tartanka UEFA Champions League.

Hadaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii saddexaad ee caawa laga ciyaaray marxaladda Guruubyada tartanka UEFA Champions League,:-

Group A

Club Brugge 1-5 Manchester City

Paris Saint-Germain 3-2 RB Leipzig

Group B

Atletico Madrid 2-3 Liverpool

FC Porto 1-0 AC Milan

Group C

Besiktas 1-4 Sporting CP

Ajax 4-0 Borussia Dortmund

Group D

Inter Milan 3-1 FC Sheriff

Shakhtar Donetsk 0-5 Real Madrid

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles