(Madrid) 21 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaalad cabsi ah ka muujineysa inay ku guuldarreysato damaceeda lasoo saxiixashada xiddiga naadiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland kaddib markii ay loollankiisa kusoo biireen Manchester City, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.
Wargeyska Spain kasoo baxa ee AS ayaa wariyey inay Los Blancos cabsi weyn ka muujineyso lasoo saxiixashada weeraryahanka Dortmund iyadoo ka baqdin qabta inay u babac dhigi weyso cududda dhaqaale ee kooxaha Man City, Bayern iyo PSG.
Marka laga reebo Citizens oo xagaagii dooneysa saxiixa 21-sano jirka reer Norway, naadiyada Ligue 1 iyo Bundesliga ka kala ciyaara ayaa haatan qayb kasoo noqday xiiseynta adeegga gool-dhaliyahan la isku halleyn karo.
Si kastaba ha ahaatee, Haaland ayaa la filayaa inuu xagaaga soo aaddan ka hayaamo BVB maadaama markaas heshiiskiisa lagu jebin karo qiimo 68 milyan oo gini taasoo xiiso gaar ah usii yeeleysa loollanka loogu jiro saxiixiisa oo ay sidoo kale qayb ka yihiin Manchester United iyo Chelsea.
Gool FM.