Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Xiriirka kubadda cagta Brazil oo xaqiijiyay inuusan Neymar ciyaari doonin kulanka ay la leeyihiin Argentina… (Maxaa ku dhacay laacibka PSG)

$
0
0

(Brazil) 16 Nof 2021. Xulka qaranka Brazil ayaa la ciyaari doona dhiggiisa Argentina kulan ka tirsan is-reebreebka Koobka Adduunka saacadaha dambe ee caawa, waxaana kulankan seegi doono weeraryahanka Jaalleyaasha ee Neymar Jr.

Laacibkan ayaa la dhibaatoonaya dhaawac kasoo gaaray bowdada kaasoo aanan u ogolaan karin inuu matalo xulka Brazil kulanka ay wajahayaan xulka ay xifaaltamaan ee Argentina kaasoo ka qaaday tartanka Copa America bartamihii sanadkan.

“Dhaawac kasoo gaaray bowdada awgeed, Neymar ma ciyaari doono kulanka Argentina ee ka tirsan is-reebreebka Koobka Adduunka Talaadada” ayuu u dhignaa bayaan uu soo saaray xiriirka kubadda cagta dalka Brazil ee magaciisa loo soo gaabiyo CBF.

Sidoo kale, xiriirka ayaa intaas ku daray inuu weeraryahanka Paris Saint-Germain ku laaban doono dalka Faransiiska maalinta Arbacada si uu halkaas ugu sii kabsado.

Si kastaba ha ahaatee, 29-sano jirkan ayaa dhammeystay 90-kii daqiiqo ciyaartii uu xulkiisa 1-0 kaga adkaaday Colombia isagoo caawiye ka ahaa goolkii guusha ee uu dhaliyay Lucas Paqueta.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles