(Munich) 29 Nof 2021. Xiddiga Barcelona ee Pedri ayaa xiiso badan ka helaya naadiga Bayern Munich taasoo diyaar u ah inay wax walba u hurto saxiixa da’yarkan.
Barca ayaa akhbaartii ugu farxadda badneyd soo gaarsiisay taageerayaasheeda 14-kii October kaddib markii ay si rasmi ah u shaacisay qandaraas kordhinta Pedri oo la gaarsiiyay illaa sanadka 2026 iyadoo heshiiska sidoo kale lagu daray lacag gaareysa Hal bilyan oo euro oo qandaraaskiisa lagu jebin karo waxaana xusid mudan inay shan milyan oo euro 2020 kaga soo qaadatay Las Palmas.
Si kastaba ha ahaatee, Bayern ayaa ku faro adeegeysa sidii ay kula soo saxiixan lahayd 18-sano jirka dhowaan ku guuleystay abaa-marinta Golden Boy Award, waxayna diyaarineysaa dalab gaaraya ku kacaya lacag kor u dhaafeysa qiimahii ay kula soo saxiixatay Lucas Hernandez oo ah 80 milyan oo euro sida ay ogaatay majaladda AS.
Waxaa sidoo kale ay majaladda Spain kasoo baxda ogaatay in naadiga Jarmalka ka dhisan ay Pedri u bandhigeyso afar-jibbaar mushaharka uu haatan ka qaato Camp Nou taasoo laga yaabo inay soo jiidato kubbad sameeyaha reer Spain.
Gool FM.