(Yurub) 09 Dis 2021. Waxaa lasoo gabagabeeyay wareegga guruubyada tartanka Champions League xilli ciyaareedkan 2021/22 inkastoo kulankii u dhexeeyay kooxaha Atalanta iyo Villarreal ee xalay barafka awgiis u baaqday la ciyaari doono caawa oo Khamiis ah, 9-ka December.
Magacyada ugu waaweyn ee wareegga 16-ka gaari waayay waa Borussia Dortmund Barcelona, Porto iyo Sevilla kuwaasoo ka ciyaari doono tartanka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa League.
Kooxaha iska xaadiriyay wareegga 16-ka iyo kaalmaha ay guruubyadooda ka galeen:
Group A
1- Manchester City
2- Paris Saint-Germain
Group B
1- Liverpool
2- Atletico Madrid
Group C
1- Ajax
2- Sporting CP
Group D
1- Real Madrid
2- Inter Milan
Group E
1- Bayern Munich
2- Benfica
Group F
1- Manchester United
2- Villarreal/Atalanta – kulankooda ayaa la ciyaari doonaa caawa kaddib baaqashadii xalay, waxaana dhibic sarreysa Villarreal.
Group G
1- Lille
2- FC Salzburg
Group H
1- Juventus
2- Chelsea
Xilliga la sameyn doono isku-aadka:
Isku aadka wareegga 16-ka tartanka Champions League ayaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland maalinta Isniinta ah ee toddobaadka dambe markaas oo ay taariikhdu ku beegan tahay December 13-keeda.
Maxaa iska baddelay sharciyada tartanka:
Sidii caadiga ahayd, iskuma aadi karaan kooxaha isku dalka ah, kuwa kaalinta isku midka ah kusoo baxay iyo kuwa yimid hal guruub, waxaase sharciga laga baddelay xeerkii goolka bannaanka (Away Goal), oo haddii natiijada wadarta labada lug ay barbarro noqoto, waxaa si toos ah loo aadi doonaa waqti dheeri ah (Extra Time) illaa gool-ku-laadyo haddii loo baahdo.
Gool FM.