(Milan) 12 Dis 2021. Zlatan Ibrahimovic ayaa daqiiqadihii lagu daray ciyaartii ay AC Milan barbarraha la gashay naadiga Udinese shabaqa gaaray si uu ugu yaraan dhibic ugu badbaadiyo Rossoneri, waxaana goolkaas uu ahaa midkii 300-aad ee uu ka dhaliyo Shanta Horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub.
Kaliya labo xiddig ayaa 300 gool iyo wax ka badan ka dhaliyay shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub, waana Cristiano Ronaldo oo 483 iyo Lionel Messi oo dhaliyay 475.
Zlatan ayaa sida guud horyaalladii uu ciyaaray ka dhaliyay 404 gool, waxaana ku jira 16 gool uu horyaalka Sweden ka dhaliyay intuu u ciyaarayay Malmo FF, 35 gool oo uu horyaalka Eredivisie markii uu ku sugnaa Ajax iyo 35 kale oo uu LA Galaxy ugu dhaliyay horyaalka MLS, hase ahaatee, shanta horyaal ee ugu sarreysa qaaradda Yurub ayaa la yaqaanaa Serie A, La Liga, Premier League, Bundesliga iyo Ligue 1, waxaana uu ka heystaa haatan 300 gool.
40-sano jirka markii labaad weerarka uga ciyaaraya Milan iyo xulka Sweden ayaa sidoo kale u safta Juventus, Inter Milan, Barcelona, Paris Saint-Germain iyo Manchester United kuwaasoo ka ciyaara SHANTA horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub.
Gool FM.