(London) 23 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wali raadineysa xiddig ka ciyaara difaaca si ay ugu daboosho baahida ku jirta booska difaaca midig maadaama difaacyada dhexe ee kooxdaas qandaraasyada ay ku joogaan ay dhici doonaan dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana tababaraha Blues ee Thomas Tuchel uu bartilmaameed ka dhigtay difaaca naadiga Paris Saint-Germain ee Presnel Kimpembe.
Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa sheegay in difaacan waayihiisa oo idil u ciyaaray kaliya PSG uu haatan doonayo ka war-doonidda loollan cusub iyo inuu faarujiyo Parc des Princess.
Wargeyska ayaa 26-sano jirka reer France ku qiimeynaya 36 milyan oo gini, inkastoo uu sii raaciyay inay PSG dalbaneyso lacag intaas ka badan haddii ay fasaxeyso difaacan.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa xaaladda Kimpembe sheedda kala socota iyadoo ay xusid mudan tahay in Tuchel uu gacan libaax leh ka qaadan karo heshiiskan maadaama uu difaacan lasoo shaqeeyay markii uu macallinka u ahaa kooxda Paris ka dhisan.
Gool FM.