Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Min saddexda musharrax ee isugu soo haray xiddiga iyo xiddigta FIFA ee sanadka oo la soo saaray… (Ka bogo xilliga abaal-marinta FIFA The Best iyo qaabka loo codeynayo)

$
0
0

(Yurub) 08 Jan 2022. Xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA ayaa shalay soo saaray min saddexda ciyaaryahan ee u sharraxan ku guuleysiga abaal-marinta FIFA The Best sanadka 2021 ee dhanka ragga iyo hablaha labadaba.

Xiriirka FIFA ayaa qaban doono xafladda abaal-marinta xiddiga iyo xiddigta sanadka ee FIFA marka la gaaro 17-ka bishan January iyadoo isku dayaysa inay la tartanto abaal-marinta ay laacibka sanadka siiso majaladda France Football ee Ballon d’Or.

Haddaba FIFA ayaa dhanka ragga isugu soo reebtay saddex ciyaaryahan oo awood badan kuwaasoo kala ah:-

Robert Lewandowski (Poland/Bayern Munich)

Lionel Messi (Argentina/Barcelona & Paris Saint-Germain)

Mohamed Salah (Egypt/Liverpool).

Halka dhanka hablahana ay isugu soo reebtay:-

Jennifer Hermoso (Spain/Barcelona)

Sam Kerr (Australia/Chelsea)

Alexia Putellas (Spain/Barcelona).

Tababarayaasha iyo kabtannada xulalka qarammada ayaa bogga FIFA ku codeyn doono ku guuleystaha abaal-marintan iyadoo mid walba oo saddex xiddig dooran doono isla markaana xiddig walba uu dhibco gaar ah ku heli doono qaanadda la geliyo taasoo la micno ah in xiddiga doorashada koowaad uu heli doono shan dhibcood, midka doorashada labaadna saddex dhibcood halka codka ugu dambeeyana uu helayo hal dhibic.

Si kastaba ha ahaatee, Lewandowski ayaa kaalinta labaad ka galay abaal-marintii Ballon d’Or ee sanadkii tagay taasoo uu gacanta ku dhigay Messi, halka Salah uu booska toddobaad kaga jiray abaal-marinta ay bixiso majaladda France Football.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles