Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Abaal-marinnada lagu bixin doono xafladda FIFA The Best 2021, musharraxiinta ugu cadcad, xilliga laga daawan doono Geeska Afrika & Wax walba oo aad ugu baahantahay xafladda caawa

$
0
0

(Zurich) 17 Jan 2022. Waxaa caawa lagu balansan yahay xafladda weyn ee FIFA The Best  oo lagu shaacin doono xiddiga, xiddigta, macallinka iyo macallimadda ugu wanaagsan kubadda cagta sanadkii tagay ee 2021 iyadoo sidoo kale la bixin doono abaal-marinno kale sida goolhayaha ugu wanaagsan ragga iyo dumarka labadaba.

Goorta, goobta iyo xilliga Geeska Afrika:

Xafladda FIFA The Best 2021 ayaa ka dhici doonta magaalada Zurich ee dalka Switzerland halkaas oo ah xarunta dhexe ee xiriirka kubadda cagta FIFA, waxaana lagu balansan yahay caawa oo Isniin ah Talaadana ay soo galeyso, taariikhduna tahay 17-ka January 2022.

Xilligaas saacadda bartamaha Yurub 7:00 fiidnimo, waxayna ku beegan tahay 9:00 habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Abaal-marinnada la bixi doono:

Inta ay socoto xafladda Best FIFA Football Awards 2021, waxaa la shaacin doonaa xiddigta ku guuleysata The Best FIFA Women’s Player iyo xiddiga gacanta ku dhiga The Best FIFA Men’s Player.

Sidoo kale, waxaa jiri doona abaal-marinno gaar ah sida goolhayaha ugu fiican rag iyo dumarba iyo macallinka ugu fiican labada dhinac, waxaana sii raacaya abaal-marinno kale oo qaas ah.

Qaabka loo daawan karo iyo halka laga daawan karo:

Waxaa si toos ah looga daawan karaa barta rasmiga ah ee FIFA iyo kanaalka xiriirka FIFA ee barta YouTube, waxaa sidoo kale dadka jooga Soomaliya ay ka daawan karaa Super Sport.

Yaa u sharraxan abaal-marinta FIFA The Best Player Of The Year?

Saddexda gabdhood ee isugu soo haray The Best FIFA Women’s Player:

– Jennifer Hermoso (Spain / FC Barcelona)

– Sam Kerr (Australia / Chelsea FC Women)

– Alexia Putellas (Spain / FC Barcelona)

Saddexda laacib ee isugu soo haray The Best FIFA Men’s Player:

– Robert Lewandowski (Poland / FC Bayern München)

– Lionel Messi (Argentina / FC Barcelona / Paris Saint-Germain)

– Mohamed Salah (Egypt / Liverpool FC)

Sidoo kale waxaa jira diiwaan dheer oo laga soo xulay min saddexdan xiddigan, halkan hoose ayaadna ka eegi kartaa:

Dhanka wiilasha:

Karim Benzema (France / Real Madrid)

Kevin De Bruyne (Belgium / Manchester City)

Cristiano Ronaldo (Portugal / Juventus / Manchester United)

Robert Lewandowski (Poland / Bayern Munich)

Lionel Messi (Argentina / Barcelona / Paris Saint-Germain)

Neymar (Brazil / Paris Saint-Germain)

Erling Haaland (Norway / Borussia Dortmund)

Jorginho (Italy / Chelsea)

N’Golo Kanté (France / Chelsea)

Kylian Mbappé (France / Paris Saint-Germain)

Mohamed Salah (Egypt / Liverpool)

Dhanka hablaha:

Stina Blackstenius (Sweden / Häcken)

Aitana Bonmati (Spain / Barcelona)

Lucy Bronze (England / Manchester City)

Magdalena Eriksson (Sweden / Chelsea)

Caroline Graham-Hansen (Norway / Barcelona)

Pernille Harder (Denmark / Chelsea)

Jennifer Hermoso (Spain / Barcelona)

Ji So-yun (Republic of Korea / Chelsea)

Sam Kerr (Australia / Chelsea)

Vivianne Miedema (Netherlands / Arsenal)

Ellen White (England / Manchester City)

Alexia Putellas (Spain / FC Barcelona)

Christine Sinclair (Canada / Portland Thorns)

Mushharaxiinta tababaraha ugu wanaagsan ee dhanka hablaha ee The Best FIFA Women’s Coach:

Lluís Cortés (Spain / Barcelona)

Peter Gerhardsson (Sweden / Sweden)

Emma Hayes (England / Chelsea)

Beverly Priestman (England / Canada)

Sarina Wiegman (Netherlands / Netherlands/England)

Mushharaxiinta tababaraha ugu wanaagsan ee dhanka hablaha ee The Best FIFA Men’s Coach:

Antonio Conte (Italy / Inter / Tottenham)

Hansi Flick (Germany / Bayern / Germany)

Pep Guardiola (Spain / Manchester City)

Roberto Mancini (Italy / Italy)

Lionel Sebastián Scaloni (Argentina / Argentina)

Diego Simeone (Argentina / Atlético Madrid)

Thomas Tuchel (Germany / Chelsea)

Goolhayeyaasha u sharraxan The Best FIFA Women’s Goalkeeper:

Ann-Katrin Berger (Germany / Chelsea)

Christiane Endler (Chile / Paris Saint-Germain / Lyon)

Stephanie Lynn Marie Labbé (Canada / FC Rosengård / Paris Saint-Germain)

Hedvig Lindahl (Sweden / Atlético Madrid)

Alyssa Naeher (USA / Chicago Red Stars)

Goolhayeyaasha u sharraxan The Best FIFA Men’s Goalkeeper:

Alisson Becker (Brazil / Liverpool)

Gianluigi Donnarumma (Italy / Milan / Paris Saint-Germain)

Édouard Mendy (Senegal / Chelsea)

Manuel Neuer (Germany / Bayern Munich)

Kasper Schmeichel (Denmark / Leicester City)

Gool FM.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles