(Brazil) 02 Feb 2022. Samba Gold Award waa abaal-marin la guddoonsiiyo laacibka ugu fiican reer Brazil ee ka xamaasha horyaallada qaaradda Yurub.
Abaal-marintii ugu dambeysay ee sanadkii 2021 waxaa ku guuleystay Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr, waana markii shanaad ee uu abaal-marintan ku guuleysto xirfaddiisa ciyaareed, isagoo qaaday 2014, 2015, 2017, 2020 iyo 2021.
Neymar ayaa ku guuleysanayay abaal-marintan labadii sano ee la soo dhaafay, waana ciyaaryahanka ugu nashada badan abaal-marintan tan iyo markii bixinteeda la bilaabay sanadkii 2008.
Xiddiga labaad ee tirada ugu badan ku guuleystay abaal-marintan Samba Gold waa Thiago Silva oo haatan ka tirsan Chelsea, kaasoo abaal-marintan hantiyey saddex sano oo kala duwan balse isku xigay kuwaasoo kala ahaa 2011, 2012 iyo 2013 oo uu kala qaaday isagoo u kala ciyaarayay kooxaha AC Milan iyo Paris Saint-Germain.
Kaka ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee abaal-marintan Samba Gold ku guuleysta sanadkii ugu horreeyey ee la bixiyey, waxaana uu qaaday isagoo ku sugan kooxda AC Milan sanadkii 2008.
Haddaba abaal-marintan oo la aas-aasay 2008-dii ayaa loogu kala guuleystay sidan:-
2008: Kaka (Milan)
2009: Luis Fabiano (Sevilla)
2010: Maicon (Inter Milan)
2011: Thiago Silva (Milan)
2012: Thiago Silva (PSG)
2013: Thiago Silva (PSG)
2014: Neymar (Barcelona)
2015: Neymar (Barcelona)
2016: Philippe Coutinho (Liverpool)
2017: Neymar (Barcelona/PSG)
2018: Roberto Firmino (Liverpool)
2019: Alisson (Liverpool)
2020: Neymar (PSG)
2021: Neymar (PSG)
Gool FM.