(London) 22 Feb 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa caawa kulanka lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League garoonkeeda kusoo dhoweyneysa naadiga Lille.
Blues ayaa kaalinta labaad kaga soo gudubtay guruubka H wareeggii guruubyada, waxayna sidaas darteed, lugta koowaad ee wareegga 16-ka garoonkeeda kula ciyaareysaa naadiga Lille oo kaalinta koowaad kaga soo baxday guruubka G.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – Champions League
Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika
Garoonka: Stamford Bridge
Garsooraha: Jesus Gil (Spain)
Wararka kooxaha:-
Ma jiraan dhaawacyo cusub oo laga soo sheegayo safka naadiga Chelsea, balse Macallin Thomas Tuchel ayaa weyn doona difaaca bidix ee Ben Chilwell oo dhaawac muddo fog garoommada kaga maqan, si la mid ah Callum Hudson-Odoi oo la xaqiijiyay inuu kulankan dhaawac ku seegayo, halka shaki la gelinayo taam ahaanshaha Reece James, Cesar Azpilicueta iyo Mason Mount.
Dhinaca kale, Kooxda Faransiiska ka dhisan ee Lille ayaa weyn doonta kaliya xiddigeeda Angel Gomes taasoo ka dhigan inuu Macallin Jocelyn Gourvennec heysto saf uu doorashooyin badan ka sameysan karo.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Chelsea iyo Lille ayaa kaliya hal mar ku kulmay tartanka horyaallada Yurub, waxayna isku arkeen wareeggii guruubyada tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii 2019/20, Kooxda reer England ayaana labada lugba adkaatay waliba natiijo isku mid ah maadaama kulammadaas ay guul ku gaartay 2-1.
Chelsea ayaa hal guuldarro oo qura kala kulantay kulammada tartammada Yurub ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha Faransiiska ka dhisan, lix guul ayay ka gaartay, saddexna barbarro, guuldarrada qura ee soo gaartayna, waxaa 1-2 ku edbisay Paris Saint-Germain bishii March ee sanadkii 2016, markaasoo Blues laga cirib tiray tartanka UEFA Champions League.
Kaliya Manchester City oo gaartay 15 guul iyo Bayern Munich oo 14 gaartay ayaa kaga guulo badan UEFA Champions League naadiga haatan difaacaneysa ee Chelsea taasoo 13 guul gaartay tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii hore, ka hor fasalkii hore se, waxaa wareegyada bug-baxa ee tartankan lagu reebay shan xilli ciyaareed oo xiriir ah laga soo billaabo sanad ciyaareedkii 2013/14 illaa 2019/20.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Chelsea:
Lille:
Shaxda macquulka ah ee kulanka Villarreal vs Juventus:-
Villarreal:
Rulli; Pedraza, Torres, Albiol, Foyth; Moreno, Parejo, Trigueros, Pino; Dia, Danjuma
Juventus:
Szczesny; Cuadrado, Bonucci, De Ligt, Sandro; Zakaria, Locatelli, Rabiot; McKennie; Vlahovic, Morata
Gool FM.