(Barcelona) 03 Maarso 2022. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuusan ku laaban doonin kooxdiisii hore ee Barcelona inta uu naadiga reer Spain ka tirsan xiddiga difaaca dhexe kaga ciyaara ee Gerard Pique.
Waxaa dhowaanahan jirtay xan badan oo ku aaddan inuu Messi ku laaban karo Camp Nou kaddib markii ay ku adkaatay la qabsiga nolosha magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska El Nacional ayaa laga soo xigtay in kabtanka xulka qaranka Argentina uusan ku laaban doonin Barca inta uu u ciyaarayo difaaca waayo-aragga ah ee Gerard Pique kaasoo uu aaminsan yahay inuu khiyaanay.
Sababta khilaafka labada ciyaaryahan ayaa salka ku haya kaddib markii difaaca reer Spain uu madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ka dhaadhiciyay inay kooxda dhaqaale badan badbaadin karto haddii ay iska fasaxdo Messi, taas ayaana qalbi jab ku noqotay kabtankii hore ee Blaugrana oo go’aansaday inuusan kusoo laaban garoonka Camp Nou inta uu Pique u ciyaarayo Barca.
Gool FM.