(Liverpool) 27 Abriil 2022. Laacibka weerarka uga ciyaara kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa go’aansaday inuu isku diido inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa xilli si aad ah ay xiiseyneyso kooxda Paris Saint-Germain.
Wargeyska Taliyaaniga kasoo baxa ee Calcio Mercato ayaa wariyay inuusan Salah dooneyn inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Reds isla markaana uu heshiis cusub u saxiixo, waxayna taas ka dhignaan doontaa inuu xilli ciyaareedka dambe gali doono sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa kaasoo dhici doona xagaaga 2023.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ayaa intaas ku daray inay kooxda PSG qiimeyneyso fursadda iyo macquul ahaanshaha ay 29-sano jirka reer Masar kusoo qaadan karto xagaagan iyadoo la aaminsan yahay in kooxda Ingiriiska ka dhisan ay iska iibin karto suuqa soo aaddan haddii uu go’aankiisa ku adkeysto.
Dhinaca kale, kooxda ku guuleysatay xilli ciyaareedkan horyaalka Ligue 1 ayaa quus ka taagan inay sii ceshato Kylian Mbappe oo iska diiday inuu heshiis cusub saxiixo isla markaana aad loola xiriirinayo u dhaqaaqista naadiga Real Madrid xagaagan maadaama uu si xor ah kaga tagi karo Parc des Princess dhammaadka kal-ciyaareedkan marka uu qandaraaskiisa dhaco.
Gool FM.