(Madrid) 11 Maajo 2022. Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa lagu soo waramayaa inuu ka hadlay mustaqbalka weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappé.
Qandaraaska Mbappe ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, iyadoo aan ilaa hadda heshiis laga gaarin qandaraas kordhinta, waxayna wararku sheegeen in laacibku uu ogolaaday inuu Real Madrid kula wareego si bilaash ah marka uu dhamaado qandaraaskiisa.
Sida laga soo xigtay wargeyska “AS” ee dalka Spain, Nasser Al-Khelaifi ayaa ka faa’ideystay kulammadii Ururka Naadiyada Yurub ee Madrid, si uu u xaqiijiyo in Mbappé uu mar hore cusbooneysiiyay qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain.
Wargeyska waxa uu intaas ku daray in hadalka Nasser Al-Khelaifi ee Madrid uu ku soo beegmay iyadoo Mbappé oo ay wehliyaan xiddigaha Ashraf Hakimi iyo Sergio Ramos ay ku sugnaayeen isla magaaladaas, saacadihii la soo dhaafay.
Wargayska ayaa hadalkiisa ku soo xiray in faylka Kylian Mbappé uu furnaan doono ilaa 30-ka bisha June ee soo socota oo ku beegan taariikhda uu dhacayo heshiiska uu kula jiro Paris Saint-Germain, wakhtigaas oo uu xiddiga afka furan doono si uu u shaaciyo go’aankiisa ku aaddan inuu sii joogayo PSG ama uu ku biirayo Real Madrid.
Gool FM.