(Munich) 16 Maarso 2016. Xiddiga Bayern Munich Franck Ribery ayaa albaabada u furay ku laabashada xulka Faransiiska balse waa marka ay wada hadlaan tababare Didier Deschamps.
32-jirkan ayaa isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib koobkii adduunka ee 2014 kaa oo ku seegay dhaawac dhabarka ah.
“Waxaan aqriyay in tababare Didier Deschamps uu doonayo inuu kuwa ugu fiican u xusho Euro 2016,” Ribery oo 81 kulan u saftay xulka Faransiiska ayaa sidaa u sheegay Kicker.
“Markale ayaan u ciyaarayaa Bayern Munich waxaana helay heerkeyga 100%, laakiin ka hor inta aadan xitaa ku fikirin u ciyaarista xulka qaranka markale, waa khasab inaan wada sheekeysi yeelano Deschamps.
“Taa waxay noqon doontaa mida la iska rabo.”.
Gool FM.