(Napoli) 17 Juun 2022. Barcelona ayaa qarka u saaran inay lumiso fursada ay kula soo saxiixan karto daafaca reer Senegal Kalidou Koulibaly oo ka tirsan kooxda reer Talyaani ee Napoli, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargeysyada Talyaaniga ayaa waxay xaqiijiyeen in Koulibaly uu dib ula furtay wada hadalo kooxdiisa Napoli si loo cusboonaysiiyo qandaraaska u dhexeeya labada dhinac, kaddib markii wada-hadallada ay burbureen dhawaan.
Shabakadda Talyaaniga, ee Toto Napoli, ayaa tilmaamtay in laacibku aanu doonayn inuu ka tago oo uu rajaynayo inuu Napoli la sii joogo ilaa dhammaadka xirfaddiisa, waxana uu durba ka shaqaynayaa sidii uu u cusboonaysiin lahaa qandaraaskiisa, kaas oo dhacaya June 2023.
Koulibaly ayaa diiday dalab hore uga yimid maamulka kooxda Napoli oo ahaa in qandaraaska loo cusbooneysiiyo, taasoo ka dhigtay inuu dalabyo ka helo Barcelona, Paris Saint-Germain iyo Manchester United, laakiin kuma qancin midkoodna.
Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in laacibka uu diyaar u yahay inuu dhimo mushaarkiisa sanadlaha ah, si uu u sii joogo kooxda, balse ma doonayo in mushaarkiisa sanadlaha ah uu ka yaraado 5 million euros.
Kalidou Koulibaly oo qandaraaska uu hadda kula jiro Napoli, sanadkii kaga qaato 6 million euros, ayaa horey u diiday dalabkii ugu horreeyay ee maamulka, si qandaraaska u cusbooneysiiyo, isla markaana uu kooxda ka qaato mushaar dhan 3.5 million euros xilli ciyaareed kasta.
Gool FM.