(Paris) 19 Juun 2022.Tababarihii hore kooxda ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa jebiyey aamusnaanta kaddib markii uu ka hadlay mustaqbalkiisa tababarenimo.
Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa dhawaanahan si weyn lala xiriirinayay inuu noqonayo badelka Mauricio Pochettino ee kooxda Paris Saint-Germain.
Kanaalka Faransiiska ah ee TF1 ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Zinedine Zidane, waxaana hadaladiisa ka mid aha:
“Waxaan doonayaa in aan sii wato xirfadeyda tababarenimo, wali xamaasad ayaan leeyahay, kubadda cagta waa isha dareenkayga.”
“Waxba kuma riyoonayo, wax badan ayaan ku riyooday, wax badan ayaan qabtay, waxaan ahay 50 jir, waan ku qanacsanahay oo aan ku faraxsanahay waxa aan gaaray, tani waa waxa ugu muhiimsan.”
Zidane ayaa intaas ku daray mar wax laga weydiiyay haddii uu darreemayo haddii uu haayo wax badan uu kubadda cagta ku bixiyo, wuxuuna yiri:
“Haa .. Waxaan hayaa wax badan oo aan bixiyo, waxaan rabaa inaan ku sii socdo wadadan.”
Macalinka reer France ayaa wareysigiisan ku sheegin halka uu u socdo, iyo inuu noqon doono tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ama xulka qaranka Faransiiska ka dib Koobka Adduunka 2022.
Gool FM.